GAZA (DAYNIILE.COM)-Milatariga Israa’iil ayaa ku dhawaaqay in ciidamadoodu ay godad ku yaal koonfurta Qaza ka soo saareen maydadka lix maxbuus oo uu ku jiro laba dhalasho oo Maraykan ah, iyada oo ay sii wadeen 11 bilood oo weerar ah oo ay ku xasuuqeen dadka reer Falastiin.

In ka badan 40,000 oo falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay tan iyo markii Israa’iil ay dagaalka Qaza ka bilowday 7-dii October ka dib markii ay weerartay kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas. Ku dhawaad ​​250 qof ayaa la qafaashay kadib weeraradii 7-dii October ka dhacay koonfurta Israel.

Advertisement

Deegaanka xeebta ayaa isku bedelay burbur iyadoo ay jirto duqeymo aan joogsi lahayn iyadoo Israa’iil ay dhowr jeer diiday inay ogolaato heshiis xabad joojin ah oo lagu sii daayo maxaabiista.

Milatarigu wuxuu sheegay Axadaan raqdooda  laga soo saaray tunalka dhulka hoostiisa mara ee aagga Rafah , waxay u qaadeen markaas  Israa’iil markaasoo la aqoonsaday.

Waxa ay sheegtay Isra’iil  in maxaabiista la dilay wax yar ka hor inta aan meydkooda la soo saarin.

Dadka la qabtay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Almog Sarusi, Alex Lobanov, Carmel Gat, Ori Danino, Eden Yerushalmi iyo Hersh Goldberg-Polin.

Gole ay ku mideysan yihiin qoysaska maxaabiista, oo aad u dhaleeceeyay sida uu Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu u maareeyay arrintan, ayaa ku baaqay dibad-bax ballaaran galinka dambe ee Axadda dhacaya, iyagoo dalbanaya in gebi ahaanba shaqooyinka dalka la joojiyo si loogucadaadsho  Maamulka Yuhuuda dhaqangelinta xabbad joojinta iyo sii deynta maxaabiista hartay.

Heshiiska soo celinta la haystayaasha ayaa miiska saarnaa in ka badan laba bilood iyadoo marar dhowr ah uu heshiisku burburey.

“Waxaa la joogaa waqtigii aan guriga ku soo celin lahayn la haystayaashayada, “ayaa lagu yiri war ka soo baxay Golaha La haystayaasha iyo Qoysaska Maqan

Sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas Izzat al-Rishiq ayaa sheegay in lixda maxbuus lagu dilay duqaymaha cirka ee Israa’iil.

Masuulkaan u hadlay Xamas Al-Risheq ayaa sidoo kale ku eedeeyay Mareykanka eex, taageero iyo iskaashi dagaalka 11-ka bilood ah ee lagu hayo dhulka go’doomiyay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Magacyada lixda mayd ee la helay (clockwise left to right): Alex Lobanov, Eden Yerushalmi, Almog Sarusi, Master Sgt Ori Danino, Hersh Goldberg-Polin, Carmel Gat)

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here