Masuul ka tirsan Xukuumada Soomaaliya ayaa soo jeediyay in xasaanada xildhibaanimo  lagala laabto xildhibaanadii maanta taageeray Itoobiyaanka kuwaasoo ka soo jeeda Maamulka Koonfur-galbeed.

Masuulkaan  oo ah Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumada Soomaaliya Bashiir Macallin Cali Wuxuu ka carooday oo uu soo hadal qaaday banaanbaxii ka dhacay Magaalada Xudur ee Maamulka Koonfur-Galbeed uu ku taageeray Itoobiyaanka iyadoo shacabka ay marin habaabiyeen oo u dhiibeen boorar lagu taageerayo cadowga Itoobiya iyo damacooda badda Somalia.

Advertisement

Agaasime Bashiir Macallin Cali ayaa sidan uga hadlay xildhibaanada taageeray Itoobiya:-

Mudane Bashiir Macallin Cali ayaa ka hadlay taageeradii gobolka Bakool looga muujiyey damaca guracan ee dowladda Itoobiya uga jira badda Soomaaliya iyo sidoo kale Xildhibaanadii maanta taageeray joogitaanka Ciidanka Itoobiya, kuwaas oo ka soo jeeda deegaanada Koofur Galbeed  Soomaaliya.

Waligeed-ba way jiri-jireen Shisheeye Kalkaalka u shaqeeya cadawga, waxayna lahaayeen magacyo Iyo sifooyin lagu garto Calooshiis u shaqeyste,Shisheeye Kalkaal, Khaa’inul wadan Iyo Kuwa jaajuuska u ah Amxaarada.

Kuwa maanta; Banaanka lasoo istaagay inay taageersan yihiin Itoobiyaanka ayna jecelyihiin Amxaarada Cadawgeenna ah waxay ku sifoobeen “KHAA’INUL WADAN-NIMO”  iyo dhamaan magacyada  xun-xun ee loo yaqaanno Calooshood u shaqeystayaasha jaajuusiinta u ah Itoobiya, iyagoo bar-madow ku ah BFS.

Waxaa nasiib darro ah sido kalana nasab xuma ah in qof Soomaali ah uu taageero cadawga Itoobiya oo aan ognahay damacooda waallida ah ay ku doonayaan qaadashada Badda Iyo Barriga Soomaaliya.

Waxaa waajib ku ah Guddoonka Labada aqal ee BFS inay mariyaan xeer-hoosaad-ka kana qaadaan xassanadda ay ku ganbanayaan jawaasiista Itoobiya si loo hor-geeyo sharciga.

Waxaan Shacabka Soomaliyeed ku baraarujinayaa inay Iska qabtaan Khaa’inul wadanka u shaqeeya Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here