MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha  Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib u xirtay tuutaha Milatariga kaasoo muujinaya in dalku dagaal ku jiro.

Madaxweyne Xasan iyo guud ahaa Dalkoo dhan ayaa wajahaya xaalad dagaal iyo diyaar garow loo baahan yahay kadib markii Dowlada Itoobiya ku adkeysatay inay xoog ku raadiso bada Somalia iyadoo ay taasi sii adkeysay markii si kadis ah looga war helay maamul Goboleed Soomaaliyeed oo Itoobiyaanku ku adeeganayo si uu danihiisa ugu gaaro islamarkaana uu isaga hor keeno  Soomaalida dhexdeeda taasoo fursad uu ka raadinayo.

Itoobiyaanka oo awal maamul Goboleedka Somaliland gacanta ku heystay ayaa hadana doonaya inuu ku darsado Maamulka Koonfur-Galbeed.
Sidoo kale maalin ka hor  war ka soo baxay Dowlada Itoobiya ayay si dadban ugu shaaciyeen inay dagaal la galayaan Soomaaliya iyagoo ku mar marsiyoonaya in Dowlada Masar oo xurguf ay kala dhexeyso ay u yeeratay Dowlada Somalia islamarkaana diyaaradahooda milatari ay durba soo gaareen Muqdisho.
Hadaba Madaxweyne Xasan oo ka duulaya duruufahaasi uu Dalku wajahayo ayaa goor dhaw dib u xirtay tuutaha Milatariga wuxuuna kulan degdeg ah kula yeeshay Wasaarada Gaashaandhiga Saraakiisha Ciidamada ee dalka u sareysa sida Taliyahan guud ee Ciidamada Milatariga iyo Taliyaha ciidamada Lugta ee Milatariga iyo masuuliyiin ka tirsan Wasaarada Gaashaandhiga Somalia.
Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin iyo Saraakiisha hoggaaminaya qeybaha kala duwan ee Talisyada Ciidamada ayaa la wadaagay Madaxweynaha sida xaalka loo wajahayo iyo waliba dhanka kale ee dagaalka Alshabaab lagula jirey.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 3 people and textMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 1 person and textMay be an image of 1 personMay be an image of 3 people and textMay be an image of 8 people and daisMay be an image of 2 peopleMay be an image of 11 peopleMay be an image of 4 peopleMay be an image of 5 people and suitMay be an image of 5 people
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here