Muqdisho, Jimco, 30-ka August 2024
1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan Guddoomiyaha Baarlamanka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeyb-galay munaasabadda sannadlaha ah ee bandhigga waxqabadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Dan Qaran oo labo sanno jirsatay.
2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad u jeediyay shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ka hadley xalka cabashada shacabka ee arrimaha canshuuraha, difaaca madax-bannaanida dalka iyo doorashooyinka.
3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Sarreeye Gaas Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud in uu noqdo La-Taliyaha Madaxweyne u qaabilsan Arrimaha Ciidamada Qalabka Sida.
4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Sii-Hayaha Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u u qaabilsan Soomaaliya James Swan, iyagoo ka wada hadlay xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya.
5- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la qaatay xubno ka tirsan ganacsatada Soomaaliyeed, iyada oo kulanka diiradda lagu saarayey canshuurta gadista oo ay horey u qaadi jirtay dowladda, balse hadda lagu sameeyay casriyeyn iyo dib-u-habeyn.
6- Ra’iisul Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay sii hayaha safaaradda Suudaan ee Soomaaliya, Ammar Ali.
7- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa daah furay munaasabad lagu saxiixayay heshiiska iskaashi ee Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha (NIRA) iyo Midowga Bangiyada Soomaaliyeed.
8- Shacabka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyey go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee bixinta canshuurta, shacabka qaar ka mid ah oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in ay muhiim u tahay si isku filnaasho maaliyeed uu gaaro dalka.
9- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Wang Yu.
10- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa furay Maktabadda Machadka Diblomaasiyadda Soomaaliya.
11- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa khudbad ka jeediyay Shirka 6aad ee Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ee dhanka warbaahinta iyo cilmi baarista oo ka dhacay magaalada Beijing.
12- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa guddoomiyey shirka billaha ah ee Guddi Hawleedka Farsamo ee Xiriirka Arrimaha Xasilinta Qaranka.
13- Wasaaradda Maaliyadda ee Soomaaliya ayaa dhaqangelisay hannaanka khidmad-dhimista ee lagu go’aamiyay qaraarkii Golaha Wasiirrada kuna saabsanaa in la dhimo 50% lacagta laga qaado hubinta badeecadaha ee ka soo dega Dekadda Muqdisho.
14- Xildhibaanadda Golaha Shacabka Barlamaanka Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay xal ka gaarista cabashooyinka ganacsatada ,sido kale waxay ganacsatada fareen in ay baxiyaan canshuurta si uu dalka u gaaro isku filnaasho.
15- Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa sheegay in si rasmi ah uu u hawlgaley Bankiga Dhiigga Qaranka .
16- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa culimada Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka kula yeeshay kulan diiradda lagu saarayay arrimaha cadaaladda iyo geedi socodka dib u eegista dastuurka.
17- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Fedaraalka iyo Dib u-Heshiisiinta Mudane Cali Yusuuf Cali ayaa daah-furay Mashruucaa Dowlad-Kaab oo ay ka qeybgaleen Wasiiradda Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedyada iyo saaxibadda caalamka.
18- Wasaaradda Waxbarashada oo shaacisay natiijadda imtixaanka fasalka 12-aad ee dugsiyad sare ee dalka. Tirada imtixaanka u fariisatey ayaa sannadkan gaareysa 36,0034 oo arday, iyadoo ay gudbeen 33,666 oo arday.
19- Dowladda Hoose ee Xamar ayaa shaacisay natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee dugsiyada dhexe ee Gobolka Banaadir, kaas oo ay sanadkaan u fariisteen 34,792.
20- Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cali Yuusuf Cali ayaa furay shirka wadatashiga qiimaynta qaab dhismeedka sharci iyo kaabayaasha aqoonsiga digitalka ah ee dalka.
21- Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa si rasmi ah u daah-furay koorsooyin lagu baranayo afafka Ingiriiska, Sawaaxiliga iyo Amxaariga oo uu soo agaasimay Machadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda.
22- Wasiirka Waxbarashada Mudane Faarax Sheekh Cabdulqadir ayaa si rasmi ah u daahfuray Imtixaanka laga qaadayay in ka badan 13 kun qof oo u tartamaya fursado macallinimo oo ay soo bandhigtay Wasaaradda Waxbarashada.
23- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Muqdisho kula kulmay Danjiraha cusub ee Shiinaha u fadhiya Soomaaliua Wang Yu.
24- Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare Mudane Faarax Sheekh Cabdulqadir, ayaa guddoomiyay shirka guddiga sare ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo looga hadlay arrimo muhiim ah oo la xiriira horumarinta Jaamacadda iyo kor u qaadista tayada waxbarashada sare ee dalka.
25- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale,ayaa kormeer dhiiragelin ah ugu tagay cutubyo ka tirsan Ciidamada Amniga ee qeybta ka ah hawlgalka amni xaqiijinta ee duleedka Degmada Garasbaaley ee magaalada Muqdisho.
26- Guddiga Gurmadka Qaran ee qaraxi argagixiso ee xeebta Liido ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay ehelladii dadkii ku naf-waayay weerarkaasi.
27- Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa degaanka ayaa howlgal lagu baacsanayo Khawaarijta waxa ay ka sameeyeen galbeedka Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaa oo ay ku dileen horjooge iyo dhowr maleeshiyaad oo ka tirsanaa Khawaarijta.
28- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Maamulka Puntland, ayaa Magaalada Gaalkacyo dil toogasho ah ugu fulisay 10 dhagar-qabe oo ka tirsan Khawaarijta ,kuwaas oo horey dilal uga geystay gudaha magaalada Gaalkacyo.
29- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun dil toogasho ah ku riday Mahad Cali Maxamuud oo horay u dilay Axmed Nuur Tooxoow, Taariikhdu markii ay ahayd 29 bishii April 2024.
==============DHAMMAAD==============
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here