NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Dab khasaare nafeed gaystay ayaa xalay ka kacay guri ku yaal Xaafada Umoja 3 estate ee Magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya.

Guriga uu dabku ka bilowday waxaa la sheegay inay ku dhinteen laba caruur ah kuwaasoo waalidiintu ka maqnaayeen xiliga dabku kacay.

Advertisement

Dhimashada caruurta marka laga yimaado waxaa jira khasaare hantiyeed oo soo gaaray dhowr guri oo dabku uu gaaray,waxaa gabi ahaanba ku bas beelay agabkii guriga yiilay.

Qoysaska qaar waxaa la sheegay inay hoy la’aan noqdeen markii dabku baabi’iyay guriga iyo wixijalaab dhex yaalay,sidoo kale goobo ganacsi ayuu dabku gaaray kuwaasoo iyana waxyeelo soo gaartay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here