BANGAL (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Gobolada waqooyi Ber-Kenya ayaa sheegaya in Beelo Soomaaliyeed ku dagaalameen ismaamulka Tana River.

Wararka ayaa tilmaamaya in afar ruux oo shacab ah lagu dilay degmada Bangal ee ismaamulka Tana River kadib dagaal dhexmaray  laba beeood.

Advertisement

Colaadaan oo soo bilaabatay arbacadii ayaa u dhexeysa labada Beelood ee kala ah Degoodia iyo Orma kuwaasoo isla dega ismaamulka Tana River.

Sawiro maalmihii ugu danbeeyay la wareejinayay baraha bulshada ayaa muujinaya in dadka la laayay uu ku jiro cunug 5 sano ah oo saqiir ah lamana yaqaan sababta colaad beeleedka soo gelisay in bari-mageydada la dilo taasoo aan ku jirin dhaqanka Soomaalida.

Dagaalka iyo colaada labada Beelood ayaa ka bilaabatay Gabar 16 ji ah oo la kufsaday taasoo ka soo jeedday mid ka mid ah labada beelood ee dagaashan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.No description available.No description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here