KAMPALA (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Dalka Uganda ayaa sheegaya in Ciidamada Booliiska ay gacanta ku dhigeen nin dalkaasi u dhashay oo watay qalfoofta madaxa bani’aadamka waxayna u dhaadhiciyeen xabsiga.

Ninkaan oo watay 24 qalfoofta madaxa bani’aadamka ah markii la qabanayay ayaa baaritaankii lagu sameeyay waxaa ka soo baxday inuu yahay Nin wax ku daweeya daw-dhaqameed sidaas daraadeedna uu doonayay inuu qalfoofta u adeegsado wax-yaabo quraafaad ah.

Advertisement

Afhayeen u hadlay booliiska Uganda oo lagu magacaabo Patrick Onyango ayaa saxaafada u sheegay in ninkaani ay talaabo adag ka qaadi doonaan.

Af-hayeenka wuxuu xusat inay macquul tahay in ninkaan la qabtay oo lagu magacaabao Ddamulira Godfrey lagu xukumo  xabsi daa’im sida bbc-du soo xigatay.

Sidoo kale kaniisad uu joogo ninkaan oo ku taalla magaalada  Kampala ee caasimada Uganda ayaa waxaa laga helay Haraadiga xayawaanka iyo maqaarkooda.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Nin lagu qabtay qalfoofta madaxa bini'aadamka

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here