BAYDHABO (DAYNIILE.COM)- Wararka laga helaayo Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in laba alshabaab ka tirsanaa inay isku soo dhiibeen Booliiska Maamulka Koofur-Galbeed ee ka howlgala Gobolka Bay.
Labadaani ayaa si gaar ah isugu soo dhiibay qeybta baarista dembiyada CID-da Koonfur Galbeed kadib markii ay ka soo goosteen kooxdii ay ka tirsanaayeen ee Alshabaab.

Labada Alshabaab ah ee isa soo dhiibtay waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Mahamed Ibraahim Hassan iyo Mustaf Isack Roobow.
Mahamed Ibraahim Hassan oo magaciisa afgarashada Alshabaab looga yaqaan Macalin Ahmed ayaa kooxda ka tirsanaa mudo 11-şano ah,wuxuuna u qaabilsanaa dhanka macalinimada Quraanka.

Sidoo kale Mustaf Isack Roobow oo isna magaciisa is af-garashada loo yaqaan Anas ayaa isna laga kaxeystay dugsi quraan uu dhiganayay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMMay be an image of 1 person, slow loris and treeMay be an image of 1 person and tree
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here