=Waxaa qorey Prof. Yaxye Caamir=
Nasashadda Jimcaha. Q-424
1- Faarax Maxamed Cali Cumar Mahadale Cumar Saalax Suufi Cali Muuse, oo loo yaqaan ( Faarax Gololeey) Isaga oo Fadhiyo Baar FIAT ayaa waxaa u yimid G/ Sare Maxamed Cumar Jees oo ka tirsanaa 25kii Golihii Sare ee kacaanka, kuna yiri: ma Faaraxaa Odaygii Rajciga-Dib u socodkaa ahaay?
Faarax ayaa yiri: Markhaati ayaan kaaga ahay in aan dib u socod ahay, Taa Been kuma sheegin. Waxaan ahaa Xildhibaan Baarlamaan, Adiguna waxaad aheyd waardiye Banaanka taagan. Hadda Anigii ayaa Bannanka taagan, Adigiina Gudaha. (F.S: 1-2)
( Dalku Dib u socod iyo Daneeystayaal Xildhibaano ah miyuu u dhexeeyay, mid la doortay iyo mid is doortay?)
2. Haddii Saaxiibtaa ay ku tiraa: Babe, waxaad tahay Wiilka ugu Shidan dhalin yarada maanta. Ha u qaadan in aad kaligaa tahay oo aad tahay Saaxiibkeedii ugu horeeyay, Sida hadalkeeda ka muuqato waxaa jiro Saaxiibo hore oo ay ku barbar dhigtay kuwaa oo aad Adigu ugu shidnaatay. ( F.S: 3aad)
( Haddii Siyaasigu ku yiraa: waad Fiican tahay, waadna Astaahishaa wakhti i sii, iguna soo noqo, Ha is daalin waxaa jiro kuwa kaa horeeyay oo Sidaa lagu yiri oo weli soo noqonayo)
3. Runtii, Maanta Qoraalkaan markii aan qorayay waxaa saarnaa Dayaard waxaana u safrayay Dalka dibadiisa Waxaan is weeydiiyay Haddii ay Duuliyaha iyo kaaliyahiisu is dagaali lahaayeen maxaad Sameey leheyd? . Waxaan isku qanciyay Duuliyaha iyo Kaaliyuhu ma ahan Somali Xilka duuliyenimadana looguma dhiibin wax qeybsiga Beelaha ee 4.5 ( F.S:4aad)
( Xil Qabiil lagu qeeybiyay hadaad aragto, Suunka si fiican u xiro)
4. Siduu u socdaa Xildhibaan Mooshin loo soo sheegay? ( F.S:5aad)
( No Comment)
5. Dalka shiinaha Gobalo ka mid ah waxaa jiro Caado dhaqameed ah: Haddii Wiilku uu gabar guursanayo, Gacanta ayuu koob shaah ah ku qabsanayaa, Dhabrkeeda ayuu Gacanta la soo wareejinayaa si uu Shaahaa uga cabo dhinaca kale, taa oo muujinee dhax yaraanteeda. (F.S:6aad)
( Haddii Shuruudaa la keeni lahaa Somaliya meeqa Xaliimo Buuro ayaa ku guur waayi leheyd. Faarx Luga Baastana Qiimuu yeelan lahaa Gafuurkuuna taagi lagaa. Ar Xaliimo iyo Faaraxoow ha ku xisaabtamina dhaqamada kale)
6. Muudeey ayaa yiri: Somaliya, dhulka hoostiisa lee khayraad iyo Macdan laga sheegoow hooyaa, mana Aragno, Qabuuro leen ku aragnaa ee Macdantu ma Lafaheenaa, ayaantaa Qabuura fagoow nooma yaree. ( F.S:7aad)
( Khayaad waa jiraa, waase haddaa soo saara karto ama aad u madaxbanaantahay cidda aad kala macaamilee.
Hadda ayaanba Heshiis is dhiibid ah u saxiinay Hayada IAEA, In Uranium keena iyo macdanta la midka ah aanan ka iibi karin cid ayna Hayaddu noo fasixin iyo cadad aynan iyadu noo ogolaan. Maxaa nagu khasbaa Anaga in aan Xuriyadeena Xakameyno, Dalal badan ayaanba saxiixine)
Qore: Yahya Amir
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here