Gudoomiyihii hore ee G/Banaadir Taabid Cabdi Maxamed
ahaana duqii Muqdisho ayaa ka hadlay walaaca Ethiopia ay ka muujisay iskaashiga difaac ee dhex maray Masar iyo Somalia.

Taabib oo warkiisa lagu baahiyay baraha bulshada ayaa yiri
“Hasha geella iyadaa cunaysa iyadaana cabaadeysa.

Qoraalka Taabnid ayaa sidan u qornaa:-
Itoobiya iyadaa xasarad ka abuurtay Geeska Afrika haddana u muuqata kicin xiisad kale oo hor leh, cawaaqib xumada ka dhalatana Itoobiya ayaa qaadeysa.

Soomaaliya iyadaa qiyaar u leh dal kasta oo ay noqon karaan danno-wadaag siman, is-ogol waafaqsanna xeerarka caalamiga.

Waxaan ugu baaqayaa hoggaanka dowladda federalka Soomaaliya inaysan dhayalsan warqadda Itoobiya oo laga aqrisan karo marmarsiyo duulaan, waana in si dhab ah loogu diyaar garoobo tallaabo kasta Itoobiya ay soo qaado.
Somaaliya Soomaali Baa Leh.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here