Weerarada Israa’iil ee Gaza, gaar ahaan Dier el-Balah iyo Khan Younis, ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 20 qof saaka, sida uu ku soo waramayo wariyaheena Marinka Qaza.

Maamulaha cisbitaalka Kamaal Adwan ee Beit Lahia ayaa sheegay in Isreal ay diidayso shidaalka qaybta caafimaadka ayna rabtay in gabi ahaanba la burburiyo.

Advertisement

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in lagu qasbay in ay hakiso howlihii gargaarka ee Gaza ka dib markii Israa’iil ay amartay in dad badan laga raro Deir el-Balah, halkaas oo Qaramada Midoobay ay xarunteedu tahay goobteeda howlgallada ka dib markii ay ka soo guureen Rafah.

Wasiirka midigta-fog ee Israa’iil Itamaar Ben-Gvir ayaa ku hanjabay inuu  calanka Israa’iil suri doono dhismaha Masjidka Al-Aqsa.

Ugu yaraan 40,476 qof ayaa lagu dilay 93,647 kalena waa lagu dhaawacay dagaalka Israa’iil ee Gaza. Qiyaastii 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminayeen ee dhacay 7-dii Oktoobar.

SOURCE ALJAZEERA

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here