Wararka laga helaayo Dalka Sudan ayaa sheegaya in fatahaad uu sameeyay biyo xireen weyn oo ku yaalla bariga Sudan uu keenay khasaare nafeed kadib fatahaada oo saameyn ku yeelatay 20 tuulo.

Mashaqadaan waxaa ku dhintay Ugu yaraan 30 ruux, tobaneeyo kalena waa la la’yahay xili gurmadkuna uu socdo si loo soo helo dadka nool ee la la’yahay.

Advertisement

Biyo-xireen-kaan oo  u dhow xeebta Badda cas ee Suudaan ayaa dumay Axaddii, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Biyo-xireen-kaan dumay daadad-kii ka dhashay waxay baabi’iyeen ugu yaraan 20 tuulo oo dad badana ay daganaayeen xili shacabkaasi ay u sii dheer tahay colaada dagaal u dhexeysa Ciidamada Dowlada iyo falaago ka soo horjeeda.

Sida ay Qarammada Midoobay sheegtay tirada 30-ka ruux ee dhimatay marka laga yimaado waxaa laga yaabaa in tiro intaas ka badan ay ku dhinteen bariga Suudaan.

Dhanka kale sababta biya-xireenku u dumay waxaa lagu sheegay kadib markii uu da’ay  Roobab mahiigaan ah kaasoo keenay daadad ku rogmaday biyo-xireenka Arbaat .

Biya-xireenka dumay wuxuu 40 km ama (25 mayl) waqooyi ka xigaa Dekada  Sudan, oo ah caasimadda dhabta ah ee qaranka iyo saldhigga dawladda.

Raadadka uu reebay daadadka ka yimid wabiga  waxaa ka mida burburka korontada iyo baaba’a tuulooyinkii wabigaasi hoos tagayay.

Mid ka mid ah dadkii ugu horreyay ee ka soo bad-baaday mashaqada ayaa sheegay in inta u dhaxaysa 150 ilaa 200 oo qof la la’yahay, wuxuu intaas ku daray inuu arkay maydadka dadkii dahabka qodayay iyo qaybo ka mid ah qalabkoodii oo daadku qaaday

Mashaqadaan waxaa  la barbar dhigay burburkii ka dhacay magaalada Derna ee bariga Liibiya bishii September ee sanadkii hore markaasoo ay dabaylo daran dartood  biyihii jabsadeen biyo xireeno ay qaadeen dhismayaal ay ku dileen kumanaan qof.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here