Guddiga Gurmadka Qaran ee Qaraxi Liido ayaa Xarunta Qaran ee Howlgallada Gurmadka Deg-degga ah ee Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka kula kulmay ehellada dadkii ku naf-waayay weerarkii argagaxiso ee billowgii bishaan ka dhacay Xeebta Liido.

Guddiga ayaa min $2000 oo doolar oo taakulo ah guddoonsiiyay ehellada 36 qof oo ku dhintay weerarkaas, iyagoo ballan-qaaday in aan intaas looga hari doonin oo si gaar ah Dowladda Soomaaliya kaga war-qabi doonto dhammaan walaalaha wax-yeelladu gaartay.

Guddiga ayaa sidaan oo kale, hore qoondo lacageed u guddoonsiiyay dadka dhaawacyadu ka soo gaareen weerarkaas.
May be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 4 people, headscarf, dais and textMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 7 people, dais and textMay be an image of 4 people, headscarf, dais and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here