Muqdisho Agoosto,25,2024: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee dowladda Shiinaha usoo magacowday Soomaaliya Wang Yu oo ay wehliyaan diblomaasiyiinta safaaradda.
Ugu horeyn Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya oo guddoomiyaha Golaha Shacabka soo gaarsiiyay salaan uu kaga waday dhigiisa Dalka Shiinaha ayaa uga mahadceliyay guddoomiyaha Golaha Shacabka soo dhoweyntiisa ,isaga oo sheegay inuu ku faraxsanyahay inuu Soomaaliya safiir ka noqdo sidoo kalena ay tahay markii ugu horeysay oo dal Afrika ku yaala uu safiir ka noqdo.

Danjiraha Dowladda Shiinaha ee Soomaaliya Wang Yu ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka labada wadan diyaarna ay u yihiin taageerida Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladooda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ugu horeyn Jamhuuriyadda dadka ee Shiinaha uga mahadceliyay taageeradda dhincyada kala duwan leh ay mar walba siiyaan Soomaaliya,ayaa waxa uu sheegay in Soomaaliya iyo Shiinaha uu ka dhaxeeyo xiriir qotodheer oo dhinacyo badan ah.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa bogaadiyay xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya labada dalka gaar ahaan labada Baarlamaan isaga oo tilmaamay in ay dhinacyo badan ka wada shaqeyn doonaan,sidoo kalena ay labada wadan wadaagi doonaan aqoonta iyo khibradda Xildhibaanadda labada Baarlamaan.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir:
Ibrahim Gudle Isak
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
May be an image of 1 person and daisMay be an image of 2 people and newsroomMay be an image of 4 people and textMay be an image of 1 personMay be an image of 2 people and newsroomMay be an image of 1 person, newsroom and textMay be an image of 2 people and newsroomMay be an image of 2 people, newsroom, dais and textMay be an image of 7 people and suit
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here