KISMAAYO (DAYNIILE.COM)-Wiil hada uun soo qaangaaray oo 15 jir ahaa ayaa la soo sheegayaa inay kooxda Alshabaab ku gowraceen duleedka Magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubaland iyo Gobolka Jubada hoose.

Wiilkaan oo magaciisa lagu sheegay Cabdi Cumar Kufow ayaa la sheegay inuu ka safray Magaalada Kismaayo xili uu ku sii jeeday Magaalada Dhoobleey halkaasoo uu rabay inuu ka sii aado dhanka Kenya oo uu kaga noolaa xeryaha qaxootiga.

Advertisement

Wiilkaan qaangaarka ah hada madaxa galiyay waxaa gaari kala degay kooxda Alshabaab inta u dhexeysa Kismaayo iyo Dhoobleey sida wararka horudhaca ah ay sheegayaan kadib-na Jamaame ayay ku gowraceen.

Wiilkaan aadka u da’da yar waxaa la sheegay inuu ku noola xeryaha qaxootiga ee Kenya balse uu Kismaayo u yimid qaraaba salaam , ugu dambeyna markii uu damcay inuu laabto la dilay.

Qaar ka mida ehaladiisa sida hooyadiis ayaa la sheegay in hore sidan oo kale loo laayahay markii uu madfac ku soo dhacay gurigooda Magaalada Kismaayo xiliyadii dagaalada ee la soo dhaafay.

Wiilka yar wuxuu wax ka baranayay oo uu ku noola xeryaha qaxootiga kenya balse waqtigiisii oo dhamaaday iyo qadartii ayaa ku dhacday,lamana yaqaan sababta keentay dilkiisa walibana gaari lagala dego oo kadibna la gowraco.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here