Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Hasan Macallin Maxamuud ayaa qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Minnesota la yeeshay kulan diiradda lagu saarayay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arrimaha cadaaladda iyo geedi socodka dib u eegista Dastuurka.

Culimada ayaa wasiirka su’aalo ka weydiiyay dadaallada socda ee horumarinta cadaaladda iyo qabyo tirka Dastuurka, waxayna la wadaageen talooyin iyo soo jeedino dhaxalgal u ah horumarinta dowladnimada.

Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa culimada uu kulanka la qaatay ku booriyay in ay habka online-ka ah uga qeyb qaataan wadatashiyada ka furan cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee dib u eegistu ku socoto.
May be an image of 2 peopleMay be an image of 6 people and textMay be an image of 3 people and textMay be an image of 6 peopleMay be an image of 3 people, beard and textMay be an image of 8 people, suit, car and textMay be an image of 3 people and suitMay be an image of 2 people and beard
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here