ADIS-ABABA (DAYNIILE.COM)-Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airline ay ogolaatay inay beddesho bogeeda tigidhada laga goosto kaasoo hore maamulka Somaliland u aqoonsanaa Dowlad ahaan.

Hay’adda duulista rayidka ah ee Soomaaliya ayaa xaqiijisay inay shirkadaani saxday qaladkeedii islaarkaana tikidhadeeda ku cadeysay in Hargeysa ay ka mid tahay qaranka Soomaaliya.

Advertisement

Agaasimaha waaxda warfaafinta iyo xidhiidhka dadweynaha ee Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Rayidka Maxamed Cabdi Cismaan (Faradheere) ayaa sidoo kale mar uu u waramayay BBC-da cadeeyay in shirkada diyaaradaha Ethiopian Airlines isa saxday kadib markii Dowlada Somalia sida ka dalbatay.

Masuulkaani wuxuu intaasi ku daray in Shirkadda ay xiriir la soo sameysay wasaaradda iyo hay’adda duulista rayidka Soomaaliya ayna wax kasta isla garteen.

Wasaaradda gaadiidka iyo hay’adda duulista rayidka Itoobiya ayaa labaduba xaqiijiyeen inay qaladkooda saxeen kadib codsi kaga yimid dhanka Dowlada Somalia

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Ethiopian Airlines Takes Delivery of its 20th Airbus A350-900 with Sustainable Aviation Fuel - Airspace Africa

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here