Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) oo Nairobi kaga qeybgashay shir muhiim ah+SAWIRRO
Wafti uu hoggaaminayey Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Cabdixakiin Xasan Ashkir ayna ka mid yihiin mas’uuliyiin ka socday Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Naiorbi ee Kenya waxa ay kulan muhiim ah oo ku saabsan qiimaynta hirgalinta Aqoonsiga Danabeysan ee sharciga ah ee Soomaaliya la qaatay qaar ka mid ah Waddamada iyo Hay’addaha deeq bixiyayaasha ah ee Soomaaliya taageera.
Kulanka waxaa ka qaybgalay madax ka socday Waddamada Norway, Sweden, Swizerland, Dernmak, Uk, Bangiga Aduunka, UNDP iyo Somali Joint Fund.
Dood iyo falaqeyn dheer kadib, waxaa ay masuuliyiintii ka socday waddamadii shirka ka soo qayb galay iyo hay’addahaba soo bandhigeen sida ay uga go’antahay in ay Soomaaliya ka taageeraan hirgalinta Aqoonsiga Danabeysan Sharciga ah.
Intaas kadib Wasiir Cabdixakiin Xasan Ashkir oo soo xiray shirka ayaa ugu mahad celiyey wadamadii iyo hay’adihii shirka kasoo qayb galay taageerada ay la garab taaganyihiin dhisamaha hay’adaha dowladda iyo taageeradooda dadka Soomaaliyeed.
May be an image of 5 peopleMay be an image of 12 people and textMay be an image of 13 people, people studying and textMay be an image of 11 people, people studying, table and textMay be an image of 10 people, people studying and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here