No description available.

GAZA (DAYNIILE.COM)-Shaqaalaha caafimaadka ayaa sheegay in 22 qof lagu dilay tan iyo waaberigii gobolka, iyadoo militariga Israa’iil ay kordhiyeen howlgallada Deir el-Balah ee bartamaha Gaza iyo Khan Younis ee koonfurta.

Advertisement

Kumanaan Falastiiniyiin ah ayaa ka qaxay qeybo ka mid ah magaalada Deir el-Balah, iyadoo militariga Israa’iil ay soo saareen amaro cusub oo ku aadan daad gureynta, waxaana ciidamadooda ay si qoto dheer ugu sii gudbeen bartamaha magaalada oo buux dhaafiyay.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga falastiiniyiinta ayaa cambaareysay weerar argagax leh oo lagu qaaday hoy kale oo iskuul loo rogay oo ku yaal waqooyiga magaalada Gaza. Ugu yaraan afar qof ayaa lagu dilay weerar ay Israa’iil ku qaadday dugsiga Salax al-Diin.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa la hadlay ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu wuxuuna ku nuux-nuux saday “degdegga” in la gaaro heshiis dhex-maray iyadoo ay jiraan warar sheegaya in is mari waaga wadahadallada socda.

Ugu yaraan 40,223 qof ayaa lagu dilay 92,981 kalena waa lagu dhaawacay dagaalka Israa’iil ee Gaza. Qiyaastii 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu guda jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay ee dhacay 7-dii October in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.

SOURCE ALJAZEERA

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here