Shirweynaha Sanadlaha ah ee ganacsiga Hindiya iyo Afrika oo looga hadlayay kobaca ganacsiga qaaradda Afrika oo ay ka qeyb galeen masuuliyiin ka kala socday wadamada Qaaradda Afrika ayaa ka lagu qabtay magaalada New delhi ee dalka Hindiya.

Shirka waxaa Soomaaliya sanadkan uga ku matalayay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershada XFS Cabdisalaan Shariif Xuseen, oo uu wehliyo siihayaha Safaaradda ahna Safiir ku xigeenka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Hindiya Abdifitaax Cabdullaahi Nuur.

Shirka intii uu socday waxaa ka hadlay dhammaan madaxweyne ku xogeennada qaar ka mid ah dalalka Afrika, oo si isku mid ah u hoosta uga xariiqay muhiimadda ay leedahay kobaca ganacsiga qaaradda iyo horumarada kala duwan ee la gaaray.

Madaxweyne ku xigeenka dalka Hindiya Jagdeep Dhankar ayaa ka hadlay xiriirka ka dhaxeeya Hindiya iyo dalalka Afrika, maalgashiga labada dhinac iyo sida ay weli diyaar ugu yihiin ganacsiga iyo wax-soo saarka.
May be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 2 people and glassesMay be an image of 4 people and textMay be an image of 3 people, suit and wingtip shoesMay be an image of 1 person, dais, newsroom and textMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 3 people, dais and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here