Ciidanka Booliska Gobolka Mudug oo ku guulaystay qabashada 2 eedaysane oo caawa dhacay gaari noociisu yahay probox DQ528, kuwaasoo lagu kala magacaabo eedaysane C/raxmaan Cqafaar Maxamuud ina ubax Axmed iyo Xasan carabey Muuse ina saynab c/qaadir.
Gaariga waxaa  laga soo dhacay xafad kamida magalada Galkacyo oo ay daba joogeen Booliska Gobolka Mudug ayagoo xogta gaariga markii ay soo gaartayba la wadaagay Saldhigyada Xafadaha Magalada Galkacyo,sidaas ayaana loogu qabtey Xaafada garsoor gaar ahaan Saldhiga Galbeed ee Warshad Galeey.

Soo qabashada kooxdaan ayaa  ku timid is-xilqaan iyo dabagal dheeraad ah oo ay sameeyeen Saraaikiisha Ciidamada Kala duwan oo ugu danbeyna ku guulaystay shaqadaasi.
May be an image of 1 person and smilingMay be an image of 1 person and smilingMay be an image of car and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here