MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Gaari Leyla-Calaawi ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayay ciidamada Dowlada fashiliyeen inuu isku qarxiyo Magaalada Muqdisho.

Gaarigaan qaraxa siday oo Ciidamadu xogtiisa heleen ayaa la fashiliyay daqiiqado kadib Qaraxii Saaka ka dhacay Degmada Garasbaaley ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Advertisement

Warar kala duwan ayaa soo baxaya iyadoo wararka qaar sheegayaan in gaarigaan loo rabay in loo gudbiyo Muqdisho balse ciidamada naba sugidu xogtiisa heleen isagoo soo maraya deegaanka Ceelasha biyaha ee isla duleedka Muqdisho.

Darawalkii Alshabaabka ahaa ee waday Gaariga qaraxa siday ee Leyla-Calaawiga ayaa ka booday gaariga markuu uu ogaaday weerarka kaga yimid ciidamada Dowlada iyo waliba in la ogaaday qorshihiisa.

Ma jirto cid wax ka noqotay gaarigaan danbe ee qaraxa siday oo ciidamadu qarxiyeen isagoo yaal meel cidlo ah  balse kii ka horeeyay ayaa gaystay dhimashada ilaa lix askari.

Weeraradaani saaka Alshabaab ku soo qaadeen Muqdisho ayaa imaanaya xili maalmo uun ka hor shisheeyaha degan xalane ay shaaciyeen weeraro ku soo wajahan Muqdisho, mana aha markii ugu horeysay ay xalane warar nuucaana ka soo baxaaan islamarkaana weeraro qaraxyana dhacaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.No description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here