Waxaa Maanta ka socda Magaalada Muqdisho Shirka u dhexeeya Dowlada Somalia iyo Ganacsatada kaasoo ay ka qeybgaleen Wasiiro Dowlada Somalia ka tirsan iyo qaar ka mida Ganacsatada Caasimada Somalia ee Muqdisho.

Shirkaan oo lagu qabtay Hoteel Al-jazeera ayaa salka ku haya iskaasha ay yeeshaan Dowlada Somalia iyo Ganacsatada si dalka iyo dadku uga faa’iideystaan.

Advertisement

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Maxmuud cabdikarin Gabeyre oo ka hadlay madasha ayaa soo jeediyay in dhaqaalaha ka soo xarooda iskaashiga Dowlada  iyo Ganacsatada lagu dhisi  Goobaha Danta guud sida Waxbarshada, Caafimadka iyo Warshadaha dalka.

C/kariin Gabayre wuxuu bayaaniyay in Iskaashiga Dowlada iyo Ganacsatada uu dan weyn ugu jira ganacsatada oo ay hada ku dhiiran karaan wax badan oo ay sameyn lahaayeen balse hore uga yara gabanayeen madaama ay hada Dowladu iskaashi la yeelatay ganacsatada gaar ahaan dhanka sharciga iyo Amniga.

Dhanka kale Shirkaan waxaa soo qaban qaabiyay dhalinyaro ku midowday Madasha Magan Forum waxaana afkooda ku hadlay Maxamed Maxamuud Caddow isagoona sharaxaad ka bixiyay waxay ay tahay madashaani.

“madasha Magan Forum waa madal Soomaaliyeed oo ka timid maskax dhalinyaro Somaliyed ku taagan murqo dhalinyaro Somaliyed oo aniga kow aan ka ahayn ku timid maslaxada ummada Somaliyed,maslaxadaasi waxaa ka mida inaan isku keeno Ganacsatada private-ka iyo public oo Dowlada ah”ayuu yiri Maxamed Maxamuud Caddow

Mar uu ka hadlayay ujeedka isku keenka ayuu ku sheegay inayu tahay sidii ay iskaashi u sameyn lahaayeen iyo sideey uga qeyb qaadan lahaayeen horumarinta adeegyada kala duwan,sida wax walba oo lagu horumarin karo adeegyada bulshada.

Wasiirka Qorshaynta Maxmuud Beene-Beene oo shirkaan ka hadlay ayaa tilmaamay in Iskaashigaan midaynaya Dowlada iyo Ganacsatada uu Fursad u yahay  dhalinyaradu inay helaan Shaqo Abuur.

Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda Biixi Iiman Cige oo isna ka hadlay shirka ayaa xusay in canshuur bixintu ay kaalin ka qaadaneyso Iskaashiga Ganacsatada iyo Dawladda si loo gaaro Hormar Guud.

Xildhibaan C/raxmaan Odowaa oo markiisa hadalo ka jeediyay shirka   ayaa soo jeediyay in loo wada diyaar-garoobo Iskaashi dhexmaraya Ganacsatada iyo Dowlada Soomaaliyeed,isagoona xusay inay talaabadaani wax badan ku soo kordhineyso dalka.

Agaasimaha Isbitaal Banaadir Fartuun Shariif ayaa dhankeeda tilmaamtay in muhiimad la siiyo shaqaalaha caafimaadka ka shaqeeya islamarkaana aysan sugin gacan aan ahayn mid dowladeed iyo mid shacab.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

May be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 3 peopleMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 1 person, headscarf, dais and text that says "Private omalia: d"May be an image of 4 people and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 1 person, newsroom, dais and textMay be an image of 3 peopleMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 3 peopleMay be an image of 3 peopleMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 3 peopleMay be an image of 1 person, dais, newsroom and textMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 3 peopleMay be an image of 2 people, headscarf and daisMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 2 peopleMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 3 peopleMay be an image of 3 people, beard and daisMay be an image of 4 people and beardMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 3 people, beard and suitMay be an image of 1 personMay be an image of 4 people and beardVMay be an image of 1 person, newsroom and text

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here