Sida lagu shaaciyay warbaahinta Qaranka Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Madaxa Midowga Yurub ee Arrimaha Bani’aadannimada ee Xafiiska Soomaaliya EU ECHO Md. Javier Rio Navarro.

Inta uu socday kulankaan waxaa looga hadlay xaaladda bani’aadannimo ee dalka, howlaha hortabinta leh ee ku aadan ka hortaga xaaladaha ka dhalan kara is-baddalada cimilada iyo sara u qaadista kartida hay’adaha ka shaqeeya gargaarka ee heer maamul gobaleed iyo heer Federaal intaba.

Dowlada Soomaaliya ayaa Hay’adda SoDMA u xilsaartay arimaha gar-gaarka iyo la tacaalida masiibooyinka Soomaaliya iyadoo la xasuusto in hay’adaani si weyn u shaqeysay xiligii daadadka iyo roobabka xooggani ka dilaaceen Soomaaliya.
May be an image of 4 people, suit and televisionMay be an image of 1 personMay be an image of 1 person and newsroomMay be an image of 1 person and dais
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here