Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Masiibooyinka ee SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa maanta Muqdisho uga qaybgalay munaasabadda maalinta caalamiga ah ee Bani’aadannimada oo la xuso sanad walba 19-ka Agoosto, waxaana munaasabadaan lagu muujiyaa dadaalka iyo naf-hurnimada samafalayaasha.

Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Masiiboyinka Maxamuud Macalin ayaa xusay muhiimadda ay maalintaan u leedahay adduunka, dalka iyo Hay’adda SoDMA, isagoo tilmaamay sida ay muhiim u tahay xusuusta shaqaalaha samafalka ee ku waxyeelloobay caawinta dadka kale.

Xuskaan ayaa waxaa ka soo qaybgalay hay’addaha kala duwan ee ka shaqeeya Arrimaha Bini’aadanimada dalka, daladda NGO-da Soomaaliyeed (Somali NGO Consortium) ku-xigeenka ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay, George Conway iyo madaxa xafiiska UN-OCHA ee Soomaaliya.
May be an image of 1 person, dais, newsroom and text that says "HU LD ARIAN G coco WSBLE BAY BAY ንንን SODMA"May be an image of 13 people and textMay be an image of 2 people and textMay be an image of 5 people and textMay be an image of 8 people and textMay be an image of 9 people and textMay be an image of 2 people, people studying, dais and newsroomMay be an image of 10 people and people studyingMay be an image of 3 people and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here