MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa goor dhaw oo barqadii ah ka bilaabatay Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya shirka maanta oo ku saabsan ka doodista arimaha canshuuraha oo muran ka dhex dhalisay Dowlada,ganacsatada iyo gaadiidleyada.

Inkastoo Dowladu xalisay inta badan tabashooyinka hadana waxaa wali suuqyada qaar ka jira cabasho iyadoo saaka dad aan sidaas u badaneyna ay isku soo bax ka sameeyeen suuqa Bakaaraha kuwaasoo ku dhawaaqayay ereyo ay madaxda Dowlada uga soo horjeedaan.

Advertisement

Hadaba Xildhibaanada ayaa saaka shirkooda ku guda galay ka doodista canshuurta Dowlada oo ganacsatada qaar ka cabanayaan,waxaana socota doodaasi iyadoo xildhibaano badan ay aragtidooda ku soo bandhigeen doodooda inkastoo ay kala aragti yihiin.

Xildhibaan Xuseen Xaaji ayaa Dowlada ku amaanay inay u turtay shacabka, isagoona xusay in haddii aan canshuur la bixin horumar la gaari karin.

Sidoo kale Xildhibaan Maxamed Haaruun ayaa isna sheegay inay ceeb tahay in gacmaha la hoorsadao shisheeyaha isagoona ku baaqay in la bixiyo anshuurta dowladda.

Xildhibaan Maxamed Cabdiqaadir ayaa isaguna is weydiiyay sababtii looga doodi waayay cabshuurta xiligii Dowladii hore oo hada qeylada keentay.

“Maxaa 2018 looga qeylin waayay oo canshuurtan looga Qeylinayaa 2024,Baroorta Orgiga kaweyn”ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cabdiqaadir

Xildhibaanad Faiza Jeyte ayaa iyaduna si kulul uga hadashay dooda waxayna su’aal gelisay sababta canshuurta loo qaadayo.

“Wasiirada Kuleyl dartiisa markii korantada laga jartay wasaaradood ayay Baarlamaanka kusoo Dhuuntaan, Isbitaaladii banaadir iyo Martiini oo lacag la’aan ahaa ayaana lacag laga dhigay, maxay tahay sababata Canshuurta loo qaadaayo “Xildhibaan Faiza Jeyte.

Xildhibaan Ifraax Nooleeye oo taageersan qorshaha Dowlada ayaa is weydiisay sababta marka ajandayaasha qaar kooramka loo waayo mararka kalana loo soo buuxsamo.

“Sax maaha in aan ku noolaano canshuur laga soo qaaday ummado kale.”ayay tiri Xildhibaan Ifraax Nooleeye .

Xildhibaanka ugu da’da weyn Cabdisalaan Dhabancad ayaa isaguna tilmaamay inaan canshuru la’aan dowladi shaqeyn karin.

No description available.

“Dowlad ma shaqeyn karto haddii aan canshuur la bixin,qof kastana waa ogyahay.”ayuu yiri Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad

Wixii faah faahin iyo natiijada shirka wararkeena danbe ayaad kaga bogan doontaan insha Allaah.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

 

 

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here