CEELDHEER (DAYNIILE.COM)- Saacadihii ugu dambeeyay waxaa Dowlada Soomaaliya isku soo dhiibay laba Dagaalame oo hore uga tirsanaa Alshabaab.
Labada Dagaalame waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Ismaaciil oo isku dhiibay ciidamada Dowlada ee ku sugan Degmada Ceel-dheer ee Gobolka Gal-gaduud Maamulka Galmudug iyo Ilyaas  oo isku dhiibay Ciidamada ku sugan Deegaanka Masagawaay oo hoos taga isla Degmada Ceeldheer.
Ismaaciil waxa uu Alshabaab uga biiray Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay, Ilyaas isaguna wuxuu Alshabaab kaga biiray Degmada Masaajid Cali Guduud ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana Alshabaabka xagooga loogu yeeri jirey magaciisa Cali Saciid.
May be an image of 1 person and smiling
Ismaaciil waxaa la sheegay inuu waqtiyadaan danbe ku sugnaa oo uu ku dhuumaaleysan jirey Gobolka Galgaduud,wuxuuna ugu dambeyn uu go’aansaday inuu isku soo dhiibo Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ee ku sugan Degmada Ceeldheer.
Mar uu ka hadlaayay sababta uu uga soo goostay Alshabaab ayuu ku sheegay inuu u adkeysan waayay dhex jooga dhulka howdka ah sidaasna uu go’aanka u qaatay.
May be an image of 3 people
Ilyaas wuxuu si gaar ah isugu soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Ururka 86-aad Guutada 77 ee fadhigoodu yahay magaalada Mesagawaa ee Degmada Ceeldheer.
Ilyaas wuxuu xiriir la soo sameeyay saraakiisha Ciidanka Xoogga waxaa looga hortagay deegaanka Xuseen Cagey oo hoos taga deegaanka Masagawaay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here