XIGASHO BBC SOMALI

Mursal Maxamed Siciid

Advertisement

Nin ka mid ah dadka soo galootiga ah eek u nool Jarmalka, madaxana ka jaray qof uu mindhicirka ka soo riday isagoo nool ayaa ka badbaaday in la musaafuriyo, ayadoo sababtuna tahay dacwad oogayaasha oo aaminsan inuu dib u soo laaban doono.

Mursal Maxamed Siciid oo 24 jir ah wuxu dilay nin ay isku guri deganaayeen oo magaciisa alagu soo gaabiyey Alex K, meel loogu tala agalay inay ku hoydaan dadka aan guryaha haysan, magaalada Regen ee gobolka Bavaria bishii Luulyo 2021.

111 goor ayuu middi ku dhiftay, ka hor intii uusan madaxa ka jarin. Markii dambe wuxu Mursal u sheegay dambi baareyaasha inuu iska dhaadhiciyey in ninka ay guriga isla deganaayeen ay ku jireen laba jin oo ay ahayd inuu dilo.

Weerarka ayaa ahaa mid aad u daran, isagoo dhibbanaha marka hore isagoo nool mindhicirka ka soo riday, sida ay warbaahinta jarmalku sheegtay xilligaas.

Mursal ayaa la sheegay in dambigaas uu gaystay maadaama uu iska dhaadhiciyey wax aan jirin oo ay maskaxdiisa u sawirtay inay run yihiin, waxaana la geeyey qayb aad loo ilaaliyo oo ka tirsan isbitaalka degmada Mainkofen ee gobolka Bavaria.

Maamulayaasha socdaalka ee Jarmalka waxay doonayaan inay sida ugu dhakhsiyaha badan ninkaas dib ugu dhoofiyaan Soomaaliya oo uu ka soo jeedo, laakinse dacwad oogayaasha ayaa ka caga jiidaya in la soo saaro amarka musaafurintiisa, waayo waxay aaminsan yihiin in ninkaas “dambiilaha ah” uu dib ugu soo laaban doono Jarmalka, sida uu qoray wargayska Bild.Magaalada Regen ee dilku ka dhacay

Dhowr todobaad ka dib markii uu dilay ninka ay guriga wada deganaayeen, ayuu ninkaas isku dayey inuu ka baxsado qayb si weyn loo ilaaliyo oo ka tirsan isbitaal ku yaalla gobolka Bavaria, isagoo ku dhuuntay meel cunnada lagu kaydiyo.

Mar labaad ayuu Mursal isku dayey todobaadkii hore inuu baxsado, isagoo ay u suurto gashay inuu ka dhuunto laba gabdhood oo ilaalinayey, mar uu codsaday in shaleemo uu u daawasho tago

Muddo 8 saac ah ayuu baxsad ahaa, ka hor inta aan la hawl galin 100 askari oo boolis ah, waxayna ka soo qabteen meel dhowr mayl u jirta shaleemada.

Dacwad oogayaashu waxay hadda ka baaraan degayaan in xukunka Mursal ee ah in isbitaalka uu ku xirnaado la laalo si dib loogu celiyo Soomaaliya.

Dacwad ooge Oliver Baumgartner ayaa u sheegay wargeyska Bild “qiimaynta guud waa inay ku jirtaa, culayska dambiga, khatarta xukmanaha, iyo suurtagalnimada in qofka xukmanaha ah uu dib ugu soo laaban karo Jarmalka. Taa darteed waxaa lama huraan ah in xisaabta lagu daro in ninkaas uu noqonayo mid xor ah dalkiisa, oo aysan jirin damaanad muujinaysa in si haboon loola dhaqmi doono”.

Inkastoo dacwad oogayaashu ay weli ka lug jiidayaan in la saxiixo amarka dib u celinta, ursal wuxuu qoray warqad uu ku sheegayo inuu diiddan yahay in dibl oogu Soomaaliya bishii Febraayo.Joachim Herrman

Laakinse wasiirka arrimaha gudaha ee Bavaria Joachim Herrman ayaa su’aal galiyey go’aanka loogu ogolaaday in uu shaleemo aado.

Wuxuu u sheegay wargayska Bild “waxaan bilaabayaa baaritaan dhamaystiran oo ku saabsan sababta uu isbitaalka degmada ugu ogolaaday ninkan aadka u khatarta badan inuu shaleemo aado”.

Mursal Maxamed Siciid wuxuu Jarmalka tegey 2018, isagoo qayb ka ahaa barnaamijka dadka magangalyo doonka ah, ka dib markii uu Soomaaliya ka soo qaxay oo uu Sudan u cararay, ugana sii Gudbay Libya, sida alaga soo xigtay warbaahinta Nius.

Ka dib dilkii foosha xumaa ee ninkaay guriga wada deganaayeen, Mursal wuxuu horeba u gaystay tiro dambiyo ah sida waxyeello jireed, burcadnimo, xatooyo iyo iskuday waxyeello jireed oo aad u daran iyo been-ku-heid adeegyo.

Bishii Febraayo 2021 ayaa lagu xukumay laba sano oo xarig laakinse uusan xabsi galayn, bacdamaa aan la xirin waxaa loo ogolaaday inuu dib ugu laabto halka hoyga u ah dadka aan hoyga haysanoo uu ku noolaa, halkaasoo uu markii dambe ku dilay ninkii ay isla deganaayeen.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here