Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur Warsame ayaa khudbadii Madaxweyne Xasan ee shalay ka hadlay wuxuuna isugu daray dhaliil iyo talo soo jeedin intaba.
Xildhibaanka ayaa madaxweynaha ku eedeeyay inuu ka leexday waxyaabihii ganacsatadu ka cabanayeen taas badalkeedana uu meelo kale jiiray ,sidoo kale xildhibaanka wuxuu madaxweynaha u soo jeediyay talo muhiim ah hadii uu rabo in shacabku ku kalsoonaadaan waa sida uu warka u dhigay.
Qoraalka Xildhibaanka oo baraha bulshada uu soo dhigay ayaa sidan u qorneyd:-
Waxaan dhagaystay khudbada Madaxweynaha, waxaad mooddaa in halkii cabashadu ka jirtay uusan abaarin. Ganacsadaha iyo muwaadinka canshuur bixiyaha ah wuxuu ka cabanayaa waa dhowr iyo tobanka shirkadood ee u dhexeeya dowladda iyo muwaadinka ee canshuurta iyo adeegga khidmada qaada.

Waa shirkado iyo shakhsiyaad la naasnuujiyo, waxna lala kala goosto.

Haddii uu Madaxweynahu doonayo in la aamino waa in uu shirkadaha iyo shakhsiyaadka dhex ku jirka ah meesha ka saaro.
May be an image of 1 person and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here