Muqdisho Agoosto,17,2024: Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliy ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga shanaad kulankiisa 13-aad, waxaana kulanka shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Guntanka ama kooramka kulanka xildhibaanadda oo ku furmay 143-xildhibaan ayaa waxa uu ajendihiisu ahaa akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka xakameynta Badbaadada Dhirbeereedka iyo Takoorka, iyo akhrinta labaad e Hindise Sharciyeedka Abuurka iyo Noocyada Ayniga Dhir beereedka, waxaana ugu horeyn guddoomiyaha Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Mukhtaar Maxamed Guuleed uu Golaha u akhriyay warbixinta akhrinta labaad ee hindise sharciyeedyadan.

intaasi ka dib Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka oo ka dooday qodobada hindise sharciyeedyadan ayaa aragtiyadooda ka dhiibtay, waxaana ay su’aalo ka weydiiyeen Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Xukuumadda Federaalka Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo kulanka joogay kana jawaabayay su’aalaha ay xildhibaanadda weydiinayeen.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in dooda hindise sharciyeedyadan dib loogu celiyay guddiga ay khuseyso, iyaga oo kusoo daraya aragtiyada iyo doodaha xildhibaanadda dibna Golaha ugu soo celin doona si akhrinta sedaxaad loo marsiiyo.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir:
Ibrahim Gudle Isak
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
May be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 personMay be an image of 3 people, newsroom and daisMay be an image of 3 people and textMay be an image of 7 people and daisMay be an image of 7 people and daisMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 12 people, beard and textMay be an image of 8 people, beard and suitMay be an image of 11 people and daisMay be an image of 6 people and textMay be an image of 6 people, dais and newsroomMay be an image of 8 people and daisMay be an image of 6 people and textMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 8 people, beard, people studying and dais
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here