Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta qoraal u gudbiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka kaasoo ay ku dalbanayaan mooshin ka dhan Wasaarada Maaliyada oo maalmihii ugu danbeeyay ay ka cabanyeen ganacsatada Soomaaliyeed.
Xildhibaanada waxay warqadooda ku cosadeen  in ajendaha kulanka soo socda ee baarlamaanka qodob ku saabsan sidii wax looga qaban lahaa cabashada sii kordheysa iyo mudaaharaadyada ka dhashay cashuuraha cusub dheeraadka ah oo ay soo rogtay Wasaaradda Maaliyadda.
Xildhibaanadaan waxay si gaar ah u muujiyeen inay ka soo horjeedaan cashuuraha akoonnada tooska looga jarayo, oo ay Wasaaradda Maaliyaddu qorsheysay in fulinteedu hirgasho maalinta berri ah oo ku beegan 18-ka Agoosto.
Hadaba halkaan ka akhriso qoraalka Xildhibaanada:-
May be an image of text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here