Ruushka ayaa sheegay in ciidamadoodu ay gobolka Kursk ee galbeedka dalkaasi ku burburiyeen koox sahan ah oo u dhashay dalka Ukraine oo ku hubaysnaa hub ka yimid dalalka NATO.

Kaaliyaha Kremlin-ka ayaa ku eedeeyay Mareykanka inuu ku lug leeyahay qorsheynta duulaanka Ukraine ee gobolka Kursk.

Advertisement

Milateriga Ukraine ayaa sheegay in ciidamadooda ay ku sii siqayaan galbeedka Ruushka, iyagoo la wareegay 82 deegaan, sida magaalada Sudzha ee xadka ku taal.

Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa sheegtay in ciidamada Ruushka ay la wareegeen tuulada Ivanivka ee Donetsk ee bariga Ukraine, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Interfax.

Xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ay ka codsadeen xukuumadda Moscow in ay u ogolaato in ay soo booqato goboladda soohdinta Ruushka ee uu saameeyay weerarka xudduudaha ee ciidamada Ukraine.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here