MOYALE (DAYNIILE.COM)-Kooxo hubeysan ayaa 12-kii bishaan abaare 9-kii fiidnimo  waxay  nawaaxiga Magaalada Mayole ee ismaamulka Marsabit ee Dalka kenya ka afduubteen ajaanib howlo shaqo u joogtay halkaasi.

Ajaanibta la afduubtay ayaa ahaa laba ruux oo u dhshay  dalka Kuuriyada Koonfureed,waxaana laga kaxaystay xarunta dugsiga sare ee Odda Mission oo ay muwaadiniinta Kuuriyada Koonfureed dhex deggan yihiin.

Advertisement

Ciidamada Booliiska ayaan wali soo helin dadka ajaanibta ah ee la afduubtay, balse waxay soo xireen 8 ruux oo 6 ka mida u dhasheen Itoobiyaan kuwaasoo dhamaantood looga shakisan yahay inay ku lug leeyihiin.

Dhanka kale kiiskaani siduu u culus yahay waxaaa ku baxay oo arinta ku jira sii hayaha xilka taliyaha guud ee ciidanka booliiska Kenya Mr.Gilbert Masengeli iyo sidoo kale agaasimaha waaxda dambi baarista ee DCI-da Maxamad Ibraahim Aamiin.

Labadaan Masuul waxay shir gudoomiyeen kulan ka dhacay Magaalada Mooyaale ee ismaamulka Marsabit kaasoo looga hadlayo dhacdadaani lagu afduubtay ajaanibta ka soo jeeda dalka Koonfur-ta Kuuriya.

XAFIISKA WARARKA 
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here