Muqdisho Agoosto,15,2024: Guddiga joogtada ee golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa kulankiisa sideedaad ku yeeshay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa ,waxaana kulanka shir guddoominayay Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Ugu horeyn guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka ayaa guddiga joogtada ah warbixin ka siiyay howlaha golaha shacabka gaar ahaan shaqooyinkii ugu dambeeyay ee qabsoomay ,howlaha baaxada leh ee golaha horyaala iyo sida ay muhiim u tahay in goluhu dardargeliyo waajibaadka qaran ee ay Shacabka Soomaaliyeed ka sugayaan.

Intaasi ka dib xubnaha guddiga joogtada ah ee golaha shacabka ayaa ka dooday ajendayaasha golaha ee todobaadka soo socda iyo ay sida horutebinta u kala leeyihiin,waxaana ugu dameyn isku raaceen in la xoojiyo shaqada golaha shacabka si uu goluhu uga howlgalo ka shaqeynta shuruucda muhiimka u ah horumarka dowladnimo ee Dalka.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir:
Ibrahim Gudle Isak
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
May be an image of 1 person and daisMay be an image of 4 peopleMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 1 person and newsroomMay be an image of 2 peopleMay be an image of 2 people, dais, newsroom and textMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 1 person, newsroom, dais and textMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 5 people and newsroomMay be an image of 5 peopleMay be an image of 2 peopleMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 person and dais
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here