QAZA (DAYNIILE.COM)-Diyaaradaha militariga Israel ayaa duqeeyay magaalada Hamad iyadoo madaafiic ay ku garaaceen dhismayaal la deggan yahay Khan Younis oo ku yaal koonfurta marinka Gaza ka dib tobanaan lagu dilay weeraro ka dhacay dhulka Falastiin 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Maraykanka iyo Israa’iil ayaa wafuud u diraya dalka Qatar si ay wadahadalo xabbad-joojin ah u furmaan galinka dambe ee maanta halka Xamaas ay u sheegtay dhexdhexaadiyeyaasha inay diyaar u tahay inay kulmaan wadahadalka kaddib si ay u go’aamiyaan haddii ay jirto jawaab dhab ah oo ay Israa’iil ka bixiso soo jeedinta xabbad-joojinta.

Advertisement

Habeenimadii wada-hadallada, Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Antony Blinken iyo Ra’iisul Wasaaraha Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada in aysan sameynin wax lagu wiiqayo wadahadallada muhiimka ah.

Shan qof ayaa ciidamada ammaanka Israa’iil ku dileen gobolka la haysto ee Tubas ee daanta galbeed intii lagu guda jiray duullaanka militariga Israa’iil, oo ay ku jiraan afar Falastiini ah oo ku dhintay duqayn diyaaradeed oo ka dhacday magaalada Tammun.

Ugu yaraan 39,965 qof ayaa lagu dilay 92,294 kalena waa lagu dhaawacay dagaalka Israa’iil ee Gaza. Qiyaastii 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu guda jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay ee dhacay 7-dii October in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here