Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa si adag uga hadlay talaabadii Ciidamada Dowladu kula kaceen dhalinyarada bajaajleyda ahaa ee ka cabanayay canshuur kordhinta ,wuxuuna sheegay in Ciidamada Dowladu ku tacadiyeen bajaajleyda.
Siyaasiga Xasan Cali Kheyre ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook wuxuu u qornaa sidan:-
Waxaan ka xumahay oo aan cod dheer ku cambaareynayaa weerarkii gardarrada ahaa ee maanta ciidanka dowladdu ku qaadeen dhallinyaro bajaajlayaal ah oo ka banaanbaxayay lacago dulsaar ah oo ay dowladdu ku soo kordhisay.

Bajaajlayaashu waa muwaadiniin canshuur-bixiyayaal ah, xaq dastuuri ah ayayna u leeyihiin in ay bannaanbaxaan oo ay si nabdoon u soo gudbiyaan dareenkooda. Waxaana ayaandarro ah in rasaas noolnool lagu weeraro, lana xirxiro.

Waxaan la damqanayaa oo aan dareenka la qeybsanayaa bajaajlayaashii ay maanta dowladdoodu weerartay, halkii ay ka sugayeen in ay ka jawaabto cabashadooda.
Waxaana Alle caafimaad u waydiinayaa dhallinyaradii weerarkan ku dhaawacantay iyagoo raadsanaya xaqooda dastuuriga ah.

Waxaan madaxda dalka ugu baaqayaa in ay ka joogsadaan cabsigelinta iyo caburinta bajaajlayaasha, si degdeg ah oo shuruud la’aan ahna loo soo daayo dhallinyaradii maanta la xirxiray. Sidoo kale, waxaan ciidamada qaranka ugu baaqayaa in ay ka fogaadaan siyaasadda, ilaaliyaan, una turaan shacabka Soomaaliyeed ee duruufaha adag la daalaadhacaya.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here