Sarreeye Guuto Seif Saalim Rashiid, Taliye qaybeedka ciidamada Kenya, ayaa ku qaabilay Xarunta qaybta 2 aad ee ATMIS ee magaalada Dhoobley, Taliyaha Qeybta 43-aad ee CXDS ku sugan Jubbaland, Sarreeye Guuto Noor Mohammed Hassan.

Waxay ka wadahadleen kor u qaadida wada shaqaynta ka dhaxaysa ciidamada #ATMIS iyo ciidanka Amaanka Soomaaliya (SSF) si loo adkeeyo amniga gobolka.

Sarreeye Guuto Nuur ayaa ku ammaanay ciidamada #Kinya doorka ay ka qaateen xasilinta Jubbada Hoose, wuxuuna caddeeyay inay ka go’an tahay inay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada #ATMIS dhinaca ladagaalanka maleeshiyada Al-Shabaab.

Sareeye Guuto Rashiid waxa uu ku celiyay sida ay Ciidamada Kinya uga go’an tahay gudashada waajibaadka Hawlgalka Midowga Afrika.
=XIGASHO TALISKA ATMIS=
May be an image of 7 peopleMay be an image of 3 people and textMay be an image of 3 people and textMay be an image of 6 people and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here