MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa goor dhaw ka hadlay banaan-baxyada rabsadaha wata ee maalintii labaad bajaajleydu ka wadaan Magaalada Muqdisho.
Gudoomiye Yabooh wuxuu ugu baaqay Bajaajleyda inay ilaaliyaan amniga iyo nidaamka Dowladnimo ayna joojiyaan banaan-baxyada rabshadaha wata.
“Waxaan ugu baaqaya muwaadiniinta dagan Gobalka Banaadir gaar ahaan kuwa ku shaqeeysta Gadiidka loo yaqaano bajaajta inaad ilaalisaan nidaamka iyo Amniga Caasimada” ayuu yiri Gudoomiye Yabooh
Sido kale wuxuu soo hadal qaaday inay Dowladu shalay la balantay dhalinyaradaasi ayna balan qaad u sameysay in cabashadooda wax laga qabanaayo.

“bajaajleyda Waan balanay shalay waana lagu maqanyahay in cabashadiina laga jawaabo, hanoqon mid loo adeegsado in magaalada fowdo iyo qas laga sameeyo”ayuu yiri Gudoomiye xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir dhanka siyaasada
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 5 people and dais
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here