Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya kana mid ah musharixiinta xilka Madaxweynaha sanadka 2026-ka Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay xuska maalintii la aas aasay Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Xasan Cali Kheyre ayaa bartiisa facebook soo dhigay  qoraal uu ugu hambalyeynayo Maamulka Galmudug oo ah deegaan doorashadiisa wuxuuna u qornaa sidan:-

Advertisement
Waxaan si kal iyo laab ah shacabka iyo maamulka Galmudug ugu hambalyeynayaa sanad-guurada 18aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Dowladda Galmudug.
Waxaan ku faraxsanahay in aan waqti iyo dadaal badan galiyay midnimada, dib-u-heshiisiinta, iyo hirgelinta Galmudug loo dhan yahay. Waxaana shacabka iyo dowladda Galmudug ugu baaqayaa adkeynta nabadda, xasilloonida, isdhexgalka, horumarka, iyo wadajirka dadka iyo deegaanka. Guul Galmudug.May be an image of text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here