ESKISEHIR (DAYNIILE.COM)-Wiil 18 jir ah  ayaa la soo sheegayaa inuu weerar ku qaaday masjid ku yaala waqooyi galbeed ee dalka Turkiga, gaar ahaan magaalada Eskisehir, waxaana ku dhaawacmay qaar ka mida dadkii salaada ku oogayay masaajidka.

Ugu yaraan shan qof ayuu dhaawacay wiilkaasi si aan kala sooc lahayn, waxaana ugu dambeyn qabtay ciidamada Booliiska oo goobta soo gaaray.

Advertisement

Wasiirka arrimaha gudaha Cali Yerlikaya ayaa Talaadada maanta sheegay in baaritaan uu bilowday, balse ma uusan faah faahin sababta ka dambeysay weerarka shalay ka dhacay magaalada Eskisehir.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in weerarka, oo dhallinyaradu ay si toos ah u tabinayeen, laga yaabo in ay saameyn ku yeelatay ciyaar muuqaal ah.

Ninka weerarka geystay oo xirnaa koofiyad iyo jaakad aysan xabbadu karin, ayaa ku weeraray beerta shaaha ee masjidka. Waxa la qabtay ka dib markii ay booliisku eryadeen, sida laga soo xigtay xafiiska guddoomiyaha Eskisehir.

Eedeysanaha oo 18-jir ah, laguna magacaabo Arda K, ayaa weerarka si toos ah uga siidaayay barnaamijka X, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Shan qof oo dhaawac ah ayaa isbitaal la dhigay, labo ka mid ah xaaladooda waa halis, sida ay sheegtay wakaaladda Wararka dowladda Turkey ee Anadolu.

Warar kale ayaa sheegaya ayaa sheegay in toddobo qof ay ku dhaawacmeen weerarkaani mindida loo adeegsaday.

Sidoo kale jaakadda rasaasta celiya iyo koofiyadda, muuqaallada uu baahiyey ayaa muujinaya isaga oo xidhan muraayadaha maaskarada, oo gebi ahaanba qariyey wejigiisa.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Turkish police generic file photo

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here