Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS ayaa daah-furay madasha horumarka oo looga hadlayay dajinta qorshaha kobaca iyo isbedelka dhaqaalaha dalka ee deyn cafinta kadib.

Shirkan oo uu soo qaban qaabiyay machadka Heritage oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa lagu gorfayn doonaa xaaladda dhaqaale ee dalka iyo sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha dalkeenna.

Mundane Saalax ayaa madasha ka sheegay muhiimadda ay leedahay in dood noocan ah la yeesho iyo in Xukuumadda Dan Qaran ay ahmiyad wayn siisay horumarka dhaqaalaha dalka.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS ayaa sheegay in dakhliga dalkeennu kor u kacay %56, oo ka dhigan in horumar wayn laga sameeyey dhinaca korodhka dakhliga iyo horumarka dhaqaalaha guud, waxa uu sidoo kale xusay in dalka deyntii laga cafiyay oo ka dhignayd guul wayn oo Soomaaliyeed.
May be an image of 3 people, newsroom, dais and textMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 3 people, beard and people smilingMay be an image of 5 people, beard and daisMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 5 people, beard and dais
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here