MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Soomaalida ugu baaqay inaysan dhexdooda marna is dilin oo u midoobaan kaliya cadowgooda.

Gudoomiyaha wuxuu tilmaamay in Soomaalidu hal cadow leedahay ayna yihiin Alshabaab,laakiin is dilka kale ee Soomaaida dhexdeeda aan lagu gaareyn wax faa’iido ah.

Advertisement

” Soomaaliyeed hal cadow ayaad leedihiin waana Alshabaab, marna dhexdiina ha is dilina”ayuu yiri Gudoomiye Aadan Madoobe.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay Soomaalida in marka la is qabto la wada hadlo halkii la is dili lahaa  madaama dad walaalo ah la wada yahay.

“Walaalayaal waa la wada hadli karaa dad walaalo ah ayaad tihiin, cadowgiina keliya ha ahaado midka jiritaankiina iyo dowladnimadiina diidan diinteena suubanna beenta ka sheegaayo kaasoo ah Khawaariijta duulaanka inagu heysa iyaga ayaa inooga baahan inaan iska xoreyno“.ayuu mar kale yiri Gudoomiye Aadan Madoobe

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMMay be an image of 1 person and text

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here