Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamudu ayaa xalay khadka taleefanka wuxuu kula hadlayay dhiggiisa Dalka Turkiga Recep Tayyib Erdogan.

Madaxweynaha Turkey ayaa sidaas oo kale ula hadlay Ra’iisulwasaraha Itoobiya Abiy Axmed  ka hor kulanka dhex dhexaadinta Somalia iyo Itoobiya kaasoo wajigiisa labaad uu ka furmayo maanta Dalka Turkey iyadoo ay kala matalayaan labada dal Wasiiradooda arimaha dibada.
Inkastoo Vila Somalia aysan faahfaahin waxyaabaha ay ka wada hadleen Xasan iyo Erdogan hadana waxa kaliya ay isla gor-feyna karaan waa inuu turkigu ku qanciyo Somalia qorshaha dhex dhexaadinta ay wadaan iyo waxyaabaha macquulka ee lagu heshiin karo iyo waxa laga tanaasuli karo, walow Somalia halkii tanaasul ay sameyn kartay ay fulisay taasoo ay ahayd inay bureyso go’aankeedii ahaa ineysan Itoobiya la fadhiisaneyn ilaa ay ka laabtaan heshiiska sharci darada ah.

Kulanka Wasiirada arimaha dibada Somalia iyo Itoobiya ee maanta ka dhacay Magaalada Ankara ayaa aad loo rajeynayaa in heshiis lagu gaaro gaar ahaana in Itoobiya aqbasho inay saxdo qaladaadkii ay gashay kaasoo keenay khilaafka weyn ee soo kala dhex galay labada dal kadib markii ay ku xad-gudubtay madax banaanida dhuleed ee Somalia.
Dhanka kale waxaa la hadal hayaa in Dowlada Somalia u ogolaato Itoobiya inay si sharci ah u adeegsato mid ka mida dekadaha Somalia si waafaqsan shuruucda Caalamka oo ah inay canshuur ka bixiyaan wixii ay kala soo degaan dekadaha Somalia.
Guud ahaan is fahamklu wuxuu iman karaa marka Dowlada Itoobiya ka laabato heshiiskii sharci darada ah ee ay la gashay Maamulka Waqooyiga Somalia ee la baxay Somaliand, waana halka qodob ee Dowlada Somalia ku aqbali karto heshiis ay la gasho Itoobiya.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 2 people and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here