=XIGASHO BBC SOMALI=

Abiy iyo Erdogan

Advertisement

Sida lagu daabacay bogga madaxtooyada Turkigu ku leedahay barta X ee horay loo oran jiray Twitter, waxaa Khadka taleefanka kuwada hadlay madaxweynaha Turkiga, Rajeb Dayib Ordogan iyo ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, iyaga oo sida ay sheegtay madaxtooyadu ka wada hadlay arrimo ay ka mid tahay khilaafka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dawladda Turkiga ayaa sheegtay in madaxweyne Erdogan uu kala hadlay Abiy, sida ay Turkiga uga go’an tahay dhamaynta xiisadda ka dhex taagan Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Madaxweyne Ordogan wuxuu ogyahay in talaabooyinka ay tahay Itoobiya in ay qaaddo ay yihiin kuwa meesha ka saari kara walaaca ay Soomaaliya ka qabto midnimadeeda, madaxbanaanideeda, iyo siyaadada dhulkeeda, taasina ay fududeynayso qorshaha,” ayaa lagu yiri warkan oo ay soo saartay madaxtooyada Turkigu habeenimadii xalay.

Todobaadka berri bilaaban doona ayaa la filayaa in dalka Turkiga uu ka furmo kulan ay isugu imaan doonaan wufuud ka kala socota Soomaaliya iyo Itoobiya, kuwaas oo ka wada hadli doono sidii loo xallin lahaa khilaafka ka dhex taagan labada dawladood, sida uu shaaciyay wasiirka arimaha dibadda ee Turkiga, Hakan Fidan.

“Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya waxay soo afjarmi doontaa in Itoobiya ay marin u yeelato badda, islamarkana ay Itoobiya qirto midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida siyaasadeed ee soomaaliya” ayuu Hakan Fidan ku yiri shir jaraa’id oo uu ku qabtay Istanbul Jimcihii.

Wadahadaladaan ayaa ka soo hormaray xilligii loo asteeyay markii hore oo ahayd bisha September ee soo socota. Waqtigaas ayaa loo gooyay kadib markii bishii July ay wadahadal aan fool ka fool ahayn ayeesheen labada dhinac oo ku wada sugnaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.Abiy

Wasiirka arimaha dibadda ee dalka Turkiga Hakan Fidan ayaa waxa uu bilowgii bishaan August, booqasho ku gaaray caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, halkaas oo uu kula kulmay ra’iisul wasaaraha dalkaas Abiy Ahmed, isaga oo kala hadlay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Booqashadaas ayaa waxay sheegtay dawladda Turkiga in ay qayb ka ahayd dhexddhexaadintii ay dawladdu Turkigu ka dhex waday wadamada Soomaaliya iyo Itoobiya, kadib khilaafkii ka dhex dhashay labada dal ee ku aadanaa heshiiskii is afrgarad ee Itoobiya la saxiixatay Somailand bilwogii sanadkaan.

Sida ay sheegtay wasaaradda arimaha dibadda ee Itoobiya, Turkiga ayaa waxa uu kala hadlay arimo ay ka mid yihiin khilaafka kala dhaxeeya Soomaaliya iyo xaaladda gobolka k ahor inta uusan wasiirku u gudbin dhinac Masar oo iyana uu kala hadlay arimaha Soomaaliya.

Xildhibaanada Soomaaliya qaarkood oo ka hadlay shirkaan la filayo berri in uu ka furmo dalka Turkiga ayaa waxay sheegeen in Soomaaliya ay wali ku adkeysato go’aanadii ay hora yuga qaadatay heshiiska is afgaradka.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook waxa uu ku yiri, “Waa in dawladda Soomaaliya ay ku adkeysataa…In Itoobiya si cad oo aan mugdi ku jirin uga laabato Is-afgaradkii sharci darrada ahaa ee ay Somaliland la saxiixatay, cadeysana in Somaliland ay ka mid tahay Soomaaliya”.Abiy iyo Muse

Haddii ay Itoobiya ka noqoto is-afgaradka sidee u arki kartaa Somaliland?

Qareen Guuleed Dafac oo ka faallooda arrimaha Somaliland ayaa sheegay in haddii ay dhacdo in Itoobiya ay ka noqoto is-afgaradka ay Somaliland u arki karto khayaano lagu sameeyay.

“Waxay ila tahay in Somaliland ay u arki doonto inuu yahay arrin heshiis ka bax ah oo ay Itoobiya ku sameysay mana soo dhaweyn doonto, waxaanan filayaa inay ka xumaan doonto inay taasi dhacdo, oo ay u arki doonto in la khayaameeyay oo lagaga baxay heshiiyo muhiim u ahaa inay gasho” ayuu intaa ku daray.

Mr guuleed ayaa farta ku fiiqay in tallaabada iyo sida ay Somaliland uga jawaabi karto ay ku xiran tahay waxa uu ku soo dhamaado wadahadalka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Iyo Itoobiya.

“Tallaabada Somaliland ay qaadeyso xadkeedu waxaa uu ku xirnaan doonaa heshiiskaasi wuxuu noqdo iyo halka uu ku arooro,” ayuu intaa raaciyay.

Guuleed Dafac ayaa dhanka kale sheegay in haddii is-afgaradkii Itoobiya ay dhacdo in laga laabto ay taasi si gaar ah ay u taabanayso madaxwaynaha Soomaaliland oo heshiikani u arkayay mid muhiim u ah dib u doorashadiisa.

“Haddii heshiiskaas laga noqdo waxay si gaar ah u taabanaysaa madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo heshiiska galitaankiisa ka dhigay arrin u muhiim ah isaga iyo dib u doorashadiisa”ayuu yiri Mr Guuleed.

BBC du waxay la xiriirtay madaxda Somaliland qaar ka mid ah si aan wax uga ogaano fikirkooda ku aadan shirka ka furmi doona Turkiga, balse nooma aysan suuragalin inaan helno.

           XIGASHO BBC SOMALI

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here