GAALKACYO (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Booliiska Magaalada Gaal-kacyo ee dhanka Galmudug  ayaa shaaciyay inay qabteen boqolaal kartoon oo daraagis lagu waday gaar ahaan Khamriga nuucyadiisa kala duwan.

Sida lagu sheegay TV-ga Qaranka Booliiska Gaalkacyo qeybta Galmudug waxaa u hadlay Taliyaha Ciidamada Booliiska Gaalkacyo Gashanle Cali Xirsi Sahal kaasoo xusay inay gacanta ku dhigeen 500 kartoon oo khamri ah.

Advertisement

Taliyaha wuxuu carabka ku dhuftay in Khamrigaani ay soo geliyeen dhanka Galmudug dhalinyaro reeer Puntland kuwasoo aysan ku guuleysan inay qabtaan.

“Niman hubeysan oo ku abtirsada Puntland ayaa naloo sheegay inay soo geliyeen khamradaan oo dhalinyaro ah, runtii waa ka gaari waynay inay qabano laakiin meelihii ay ku dejiyeen khamrada ayaan tagnay , waxaan la xiiri doonaa maamulka dariskeena ah ee Puntland si ay u soo qabtaan kuwa khamrada keenay”ayuu yiri Gashanle Cali Xirsi Sahal.

Taliyahaan wuxuu ku amaanay shacabka reer Gaalkacyo siday ula shaqeeyeen Booliiska oo ay usoo sheegeen kuwa khamrada soo geliyay,sidoo kale wuxuu u mahadceliyay ciidamada asluubta oo iyaguna garab ku siiyay booliiska soo qabashada daroogada.

“shacabka ayaa nala soo xiriiray,runtii waxaan u mahadcelineynaa shacabka waxan ka howlgalnay goobihii khamrada la soo geliyay waana soo qabanay”

Dhanka kale wuxuu digniin u diray kuwa khamrada keena ,isagoo faray inay ka waantoobaan,wuxuu xusay inay ciqaab aduun iyo mid aakhiro mari doonaan hadeysan joojin.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

May be an image of 5 people and textMay be an image of 5 people and textMay be an image of one or more people and textMay be an image of 3 people and textMay be an image of 1 person and text

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here