Ciidamada Israa’iil ayaa burburiyay laba daar oo la dego oo ku yaal Khan Younis halkaas oo laga soo saaray amarro cusub oo lagu daadgureynayo, maalmo ka dib markii Falastiiniyiintii barakacay loo ogolaaday inay ku laabtaan koonfurta magaalada Gaza.

Dhakhaatiirta caafimaadka iyo kuwa ka badbaaday weerarkii Israa’iil ay ku qaaday Iskuulka magaalada Gaza oo gabaad u noqday ayaa ururiyay qeybo ka mid ah dhibbanayaasha iyagoo baadigoobayay dadka la la’yahay iyadoo madaxda caalamka ay cambaareeyeen duqeyntii ay ku dhinteen in ka badan 100 qof.

Advertisement

Jordan ayaa sheegtay in aysan noqon doonin goob dagaal oo qolona aysan ogolaan doonin in lagu soo xad-gudbo hawadeeda iyada oo dunidu ay wali isha ku hayso weerar aargudasho ah oo ay Iran hormuudka ka tahay oo ka dhan ah Israa’iil oo ku aaddan dilkii Ismaaciil Haniya ee Xamaas loogu geystay Tehran iyo Fu’aad Shukr oo ka tirsan Xisbullah oo Beirut lagu dilay.

Ugu yaraan 39,790 qof ayaa lagu dilay 92,002 kalena waa lagu dhaawacay dagaalka Israa’iil ee Gaza. Qiyaastii 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu guda jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay ee dhacay 7-dii Oktoobar, in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here