JOWHAR (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabelle ayaa sheegaya in Suuqa Magaaladaasi uu saaka dab xooggan ka kacay kaasoo sababay khasaare baahsan.

Wararka laga helayo dad deegaanka ayaa xaqiijiyay inuusan jirin khasaare nafeed balse khasaaraha badan uu ku eg yahay hantidii shacabka ee suuqaasi ku gubatay.

Advertisement

Magaakada Jowhar oo aan lahayn gaari dam-damis ah ayaa sababtay in dabku aad u faafo dadkuna taag u waayaan inay degdeg u damiyaan xili ay biyo iyo caro gacmahooda ku soo dal dalayeen si ay ugu damiyaan.

Maamulka Hirshabelle ayaa mar danbe cagaf-cagafyo ku soo biirayay dadaalada dabka lagu bakhtiijnayay inkastoo ugu dambeyn mar danbe dabkii la damiyay.

Shacab reer Jowhar ayaa badankood waxay cadeeyeen in hantida ugu badan ee meesha ku gubatay ay tahay dalaga sisinta oo la joogay xiligii beeraha laga soo guray iyo lacago shilin somali ah.

Boqolaal loor oo si sin, saliid laga sameeyay sisina iyo lacago intaba ayaa bakhaarada ku gubtay ,waxayna sheegeen shacabka la wareystay qaarkood in shalay oo sabtiya sisintaasi suuqa keenay si ay u iib-geeyaan laakiin qadartaani ku dhacday.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.No description available.

No description available.

No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here