XUDUR (DAYNIILE.COM)-Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya ayaa Howlgalo ka dhan ah Alshabaab waxay ka fuliyeen deegaano ku dhaw Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.
Howlgalka waxaa si gaar ah u fuliyay Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada 9-aad,waxayna weerar ku qaadeen tuulooyin dhowr ah oo qiyaastii 60km Waqooyi kaga beegan Magaalada Xuddur.
Ciidamada waxay howlgalka ku soo furteen gaadiid shacab oo sida ay saraakiishu sheegeen u xanibnaa kooxda Alshabaab, kuwaasoo dhamaantood xor laga dhigay.
Howlgalkaani guuleystay waxaa hogaaminayey Taliyaha guutada 9-aad Gaashanle Yuunis aadan Xasan iyo Abaandulaha guutada dhamme Cilmi Aadan Isaaq.
maaha markii ugu horeyay oo aagaasi ciidamadu howlgalo ka fuliyeen hore ayay dhowr mar weeraro ugu qaadeen fariisimp alshabaab ku leeyihiin duleedka Magaalada Xudur ee Maamul Goboleedka Koonfur-Galbeed.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
Advertisement