Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbadii jimcaha ee maanta ka dib ka hadlar arimo dhowr ah sida dagaalka Alshabaab oo kale , hanaanka doorashooyinka dalka ,hadal heyntii ugu badneyd ee baraha bulshada kaasoo dhalinyardu shiid kaga cabanayeen  iyo arimo kale.

Mar uu ka hadlaayay dagaalkii Alshabaab lagu jirey ayuu sheegay in dagaalkiisii wali socdo islamarkaana ay wadayaan ilaa Alshabaab guud ahaan dalka looga cirib-tirayo.

Advertisement

“dagaalka waan sii dar dar gelineynaa ilaa  Khawaarijta looga ciribtirayo deegaannada kooban ee ay kaga harsan yihiin dalka”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh

mar uu ka hadlaayay dhalinrada baraha bulshada uga cababneysa shiidka iyo shaqa la’aanta ka jirta Muqdisho ayuu si kulul uga hadlay isagoona carabka ku adkeeyay in dhalinyarada shiidka sheeganeysa ay tuugo yihiin.

“kuwa maanta dhaqaale la’aanta ka cabanaya waxay iskugu jiraan kuwii khawaarijta lacagta u aruurin jiray, kii baraha bulshada dadka ka caayi jiray, iyo kii wax xadi jiray oo dhammaan wax waayey.”ayuu yiri Madaxweyne Xasan

 

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here