MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ugaaska Beesha Muddulood ayaa qaadacay sharci shalay ay meel mariyeen Wasiirada Somalia gaar ahaan qodobada qeexaya habka loo marayo saamiga matalaad ee Caasimadda Muqdisho.

Ugaaska Beesha Muddulood wuxuu xusay in dadka asal ahaan u dhashay caasimada Muqdisho ay shir ka yeelan doonaan aayahooda islamarkana aysan ku qanacsaneyn sida hada wasiiradu wax u dhigeen.

Advertisement

Ugaaska wuxuu si cad u sheegay inay dhanka xuquuqda kala sinaan doonaan dhamaan maamul goboleedyada kale.

Sharciii shalay ay meel mariyeen Wasiirada waxaa ku jiray in Magaala Muqdisho ay yeelaneyso Gole ka kooban 49 xubnood iyo Duqa Caasimadda iyo Kuxigeenkiisa.

Golahaan waxay si qarsoodi ah usoo dooran doonaan cod biyeyaasha diiwaan gishan (Vote Registration),sidoo kale

Degmooyinka Muqdisho waxay yeelanayaan  gole deegaan iyo duqa degmada kaasoo doorasho ku iman doona,sidoo kale
waxay isla degmooyinku yeelanayaan  labo darajo oo Gole deegaan ah.

lama yaqaan sida Dowladu uga jawaabi doonto warka Ugaaska iypo go’aanka uu qaatay Ugaaska beesha Muddulood.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

May be an image of 1 person and text

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here